SAWIRRO:Wasiirka Caafimaadka Somaaliya oo magaalada Geneva uga qeygalaysa Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Date:

Wafdi ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawladda Federalka Soomaaliya Dr.Fawziya Abikar Nur ayaa waxay ka qayb galayaan Shirweynaha Sanadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo maanta oo ay bisha May tahay 23 ka furmay magalada Geneva ee Dalka Switzerland.

Shirka oo sanadkan halku dhig looga dhigay “ Nabaddu waa Caafimaad, Caafimaadkuna waa Nabad” ayaa wuxuu muddo dhawr maalmood ah ka socon doonaa magalada Geneva.

Wafdiga ay hogaaminayso Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay shirka kusoo bandhigi doonaan guulaha la taaban karo ee ay Wasaaraddu ka samaysay dhanka hormarinta iyo dib u dhiska nidaamka Caafimaadka Dalka.

Guulahan oo noqday kuwo tusaale looga dhigi karo wadamo baddan oo ku yaala dunida kuwa ku jira wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo ayaa Soomaaliya ka dhigaya wadan sameeyay is bedallo la taaban karo ee dhanka Nidaamka Caafimaadka!

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...