Madaxweyne Hassan sheikh Maxamuud oo sheegey in uu xanuunka la qeybsanayo ganacsatadii dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay suuqa Banaadir.

Date:

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xanuunka la qeybsaday dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkii xalay ka kacay goobaha ganacsi ee isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yirri “Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in musiibada dabka tahay dhibaato u baahan in wadajir looga shaqeeyo maareynteeda, waxaana uu tilmaamay in ay ka shaqaynayaan sidii xal loogu heli lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha 15aad ee Daraasaadka Soomaaliya oo maalintiisa 3-aad galay

hirweynaha Meertada 15-aad ee Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka...

Kulan dib-u-eegis loogu sameynayo Qorshaha Horumarinta Waxbarashada (2022-2026) oo Muqdisho ka furmay

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ayaa maanta magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulan la qaatay guddiga Madabanaan ee doorashooyinka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaadatay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Yiwu

Danjiraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee dalka shiinaha Dr Hodan...