Shil gaari oo ka dhacay laamiga xariiriya Magaaloyinka Galkacyo iyo garoowe ee Maamulka puntland

Date:

Dad gaaraya 15 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo gelinkii danbe ee shalay ka dhacay nawaaxiga tuulada Birta-dheer oo qiyaastii 50km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka puntland.

 

Gaari nooca loo yaqaan ‘DYNA’ oo rakaab siday ayaa shilkaas ku galay jid-cadde u dhow tuulada Birta-dheer wax yar kadib markii uu ka leexday laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

 

Dhaawacyo kala duwan oo shilka ka dhashay islamarkaana qaarkood culus yihiin ayaa la keenay xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Garoowe halkaas oo hadda lagu dabiibayo.

 

Shilalka gaadiidka ayaa muddooyinkii danbe ku soo badanaya gudaha Puntland waxaana todobaadkan oo keliya la diiwaan-geliyay ilaa afar shil..

Laba maalin ka hor ayeey aheed markii shil sababay dhimasho iyo dhawac uu ka dhacay wadada xariirisa Magaaloyinka Qardho iyo garoowe.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...