Wadahadallo u dhaxeeya midawga Yurub iyo Iiraan oo maanta ka dhacaya Brussels

Date:

Sida laga soo xigtay afhayeenka Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub Peter Stano, waxaa maanta magaalada Brussels, ku kulmi doonaan Cali Baaqiri, kaaliyaha Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ahna madaxa wada xaajoodka Nukliyeerka iyo xubno ka socda waddamada midawga Yurub.

Wafdi ka socda Dowladda Iiraan ayaa habeenimadii Talaadada, gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka, halkaasi oo uu ka bilaaban doono wada xaajood laba geesood ah oo u dhaxeeya Iiraan iyo waddamada reer Yurub, si ay ugu wada hadlaan arrimo ku saabsan Nukliyeerka Iiraan.

Wadahadallada ku saabsan Nukliyeerka Iiraan ayaa hakad galay kadib doorashadii madaxtinimo ee Iiraan ka dhacday bishii June, taas oo uu ku guuleystay madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.

Maraykanka iyo Yurub, ayaa dadaal ugu jira in Dehraan ay dib ugu soo laabato miiska wada xaajoodyada, iyaga oo ka baqdin qabo in barnaamijka tayeynta Yuraaniyaamka Iiraan uu ka gudbo xadkii loo dejiyay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...