Afganistaan:Gabdhaha oo loo ogolaaday in ay ku laabtaan dugsiyada sare

Date:

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in gabdhaha loo oggolaan doono inay dhowaan dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiyada sare ee dalkaasi.

Qari Saciid Khosty oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ayaa Axaddii warbaahinta u sheegay  in sidoo kale la ogolaaday in macalimiinta dumarka ah ay iyaguna ku laaban doonaan shaqooyinkoodii macalinimo ee dhanka waxbarasho.

Afhayeenka ayaa tilmaamay  in waqtiga saxda ah ee la bilaabi doono waxbarashada jaamacadaha,dugsiyada sare iyo kuwa kale ay ku dhawaaqi doonto maamulka wasaaradda waxbarashada.

Sanadkii 1990 –ki ayeey aheyd markii, haweenka iyo gabdhaha si sharci ah looga horjoogsaday waxbarashada iyo in ay shaqeeyaan .

Dhanka kale,waxaa jira cadaadis caalami ah oo la doonayo in Taalibaan lagu saaro ogolaanshaha in macalimiinta dumarka ah iyo gabdhaha ay ku laabtaan dugsiyada iyo shaqooyinka kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...