Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka wada Sh/Dhexe

Date:

Taliyaha qeybta 27-Aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed (Tareedisho) oo kormeer shaqo ku marayay fariisimaha ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada Dhexe ayaa tagay deegaanka Xaaji-Cali iyo degmada Warsheekh, waxuuna intii kormeerka uu ku jiray uu sarakiisha ciidanka xoogga dalka kula dardaarmay inay xoojiyaan howl-galada lagu baacsanayo argagixisada dhibaatada ku heysa shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la idinka rabaa idinkoo uturaya shacabka inaad sii labo jibaartaan howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummada Soomaaliyeed ee Al-Shabaab.

Jeneraal Maxamed Axmed Tadeerisho Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo sidoo kale kormeer ku tagay xeraha ciidamada AMISOM ee deegaanka Qolidhoow ayaa saraakiisha AMISOM la qaatay kulan gaar ah oo diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa howl-galada ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isla markaana loogu xoreyn lahaa deegaannada fara ku turiska oo ay ka joogaan gobolka Shabeellada Dhexe.

“Waxaan la qaatay kulan gaar ahaan ciidamada AMISOM, si aan usii labo jibaarno howl-galada lagula dagaalamayo cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, waana isla qaadanay go’aankii ugu haboonaa,” ayuu yiri.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Generaal Maxamed Axmed Tareedisho ayaa sheegay in dhamaan howl-galadii ka socday gobolka Shabeellada Dhexe lagu guuleystay oo cadawga laga xoreeyey inta badan deegaanada muhiimka ah ee gobolkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...