Magaalada Gaalkacyo oo laga daah furay Jaamacad Cusub “SAWIRRO”

Date:

Kulan lagu dhiiro galinayay Kobaca Waxbarasho ee sanadahaan ka hano qaaday Gobolka Mudug aya  lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo iyadoo sidoo kale lagu xarig jaray Jaamacad.

Xafladda furitaanka Jaamacadda Daaha International ee Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah kobaca Waxbarasho ee sanadahaan kahana qaaday Gobolka Mudug waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo inta badan Culumada Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha golaha sare Cabdiraxmaan Saylici ayaa sharaad ka bixiyay Fursadaha jaamacadu u hayso Bulshada reer Gaalkacyo iyo baahida looqabay.

Maayarka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, Sahal Nuure, Kormeerka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ee Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Mudug Cabdirisaaq Cali Yuusuf ayaa ugu baaqay Bulshada Gaalkacyo inay ka faaidaystaan Jaamacadaan laga daah furay Magaalada.

Sh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah Aasaasayaasha Jaamacadda ayaa ka hadlay muhiimada ay waxbarashadu u leedahay Aadanaha iyo in ay muhiimtahay in goobaha tacliinta laga hirgaliyo dhamaan gobolada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...