Wafdigii RW Rooble ee safarka ku tegay Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisii ayaa galabta gabal dhicii dalka dib ugu soo laabtay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa muddo seddax cisho ah booqasho ku joogay Kenya, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha Kenya, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Kenya.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Roobe ayaa intii uu joogay dalkaas Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliiyeed ee ku nool Kenya, siyaasiyiin Soomaaliyeed iyo wakiillada Beesha Caalamka ee degan Nairobi.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa daarnaa soo celinta iyo wanaajinta xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo hadda guddi farsamo ay labada dal u xir saareen, si loo soo afjaro khilaafka, isla markaana shucuubta labada dal loogu abuuro xiriir dhan kasta ka dhisan iyo iskaashi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...