Wafdi uu hoggaaminayo Raβiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, Rooble ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka caalami ah.
Shirka uu Raβiisul Wasaare uga qeyb gelayo London waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa βtayada waxbarashada carruurtaβ sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Raβiisul wasaaraha.
βRaβiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,β ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Raβiisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu kulamo la qaadan doono Raβisul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson iyo masβuuliyiin kale.
