Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay goobaha uu fatahaadda ka sameeyay webige Shabeelle ee Jowhar “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa ugu  horeyn kormeer u kuur gelid ah ku tegay qeybo ka mid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan karta xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabadda qaataan oo ay wax waliba ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guulaha dowladdu ka gaartay la dagaalanka maaliyadeed ee argagixisada (Faallo)

Soomaaliya waxay muddo dheer wajahaysaa khatar joogto ah oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Ghana

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay Safiirka Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...