Iran oo shuruud ku xirtay in wadahadal ka gasho heshiiska Nugliyeerka.

Date:

Iran ayaa meesha ka saartay in wadahadal aan caadi aheyn la yeelato Mareykankaa iyo Midowga Yurub kaas oo ku saabsan dib u soo nooleynta heshiiskii Nugliyeerka ee 2015 la galeen dalalka reer galbeed dowladda Iran, waxayna ku adkeysteen in marka hore Washington ay qaato cunaqabateyntii dhinac laha aheyd oo la saaray Tehran.

“Anagoo tixraacayna talaabooyinkii dhowaan la qaaday iyo bayaanadii ka soo baxay Mareykanka iyo sadex kamid ah dalalka waa weyn ee reer Yurub, Iran uma aragto xilligan in ay wadahadal la yeelato dalalkaas ,” sidaa waxaa yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Saciid Khatibzadeh.

Mareykanka oo hadalkaas ka jawaabaya ayaa sheegay in uu ka xun yahay balse ay wali raadin doonaan wadiiqo diplomaasiyadeed oo micno leh oo labada dhinac ugu soo laaban karaan heshiis, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad.

Saraakiisha Iraaniyiinta ah ayaa sheegaya in ay darsanayaan codsiga uga yimid madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell, hase ahaatee ay doonayaan in la qaado xayiraaddii dhaqaale ee Mareykanku saaray Iran 2018.

Dowladda Iran iyo Maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden ayaa isku tuur tuuraya in uu midba mid kale bilaabay talaabada dib loogu soo nooleynayo heshiiskaas. Iran waxay doonaysaa in Washington marka hore qaaddo xayiraadda halka Mareykanku ku doodayo in Iran ay u hogaansanto qodobada heshiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Guddoomay Shahaadada Musharraxnimo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...