Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

Date:

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo Kormeer Shaqo ku Tagay Xeryaha Ciidamada ee Baydhabo

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi...

Taliyaha CXD oo kormeeray Xerada Ciidanka DANAB ee Galmudug

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka S/Guuto Ibrahim Maxamed ayaa Kormeer...

Wasiirka Cadaaladda oo furay tababar aqoon kororsi oo loo qabtay saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan...