Dibad baxyo looga soo horjeedo afgenigii ka dhacay Myanmar oo qeba ka mid ah dalkaas ka socda.

Date:

Boqolaal mudaaharadayaal ah  ayaa isagu soo baxay magaalada Yangon oo ah magaalada ugu weyn dalka Myanmar maanta oo sabti ah, kuwaas oo diidan afgenbigii military ee ka dahcay dalkaas isbuuci lasoo dhaafay.

Dibad baxayaasha ayaa dalbanaaya in ciidamadu faraha kala baxaan xukunka dalka, lana sii daayo hogaamiyaashi la xiray.

Shaqaalaha dhowr wasaaradood ayaa  joojiyay shaqaooyinkii ay hayeen, waxayna qaarkood ku biireen isku soo baxyada ka socda magaalooyinka kala duwan ee Myanmar.

Ciimada militriga ee afgebniga sameeyay ayaa soo dhisay xukuumad uu hoggaamiyo taliyaha ciidamdaa, waxayna ku eedeyeen xukuumaddii  hore inay is daba marin ku sameysay doorashadii dalka ka dhacday bishii November ee sanadkii tegay.

Qaar ka mid ah dowladaha caalamak ayaa canbaareeyay tilaabada ay qaadeen ciidamada Myanmar, waxayna ka dalbadeen in xukunka dib loogu soo celiyo gacanta siyaasiyiinata madaniga ah,  lana soo dayo mas’uuliyiinti la xiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...