Maamulka Puntland oo soo bandhigay Ciidamo cusub oo sugaya Amniga Gobolka Bari.

Date:

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo ay wehliyeen qaar kmid ah Saraakiisha Gobolka Bari ayaa Magaalada Bosaaso ku soo Dhoweeyay Ciidamo loogu talo galay sugida Amniga Gobolka Bari.

Ciidamadaan ayaa dhawaan tababar loogu soo xiray Xerada Ciidamada Xorgoblle ee Magaalada Qardho, waxaana ay bedeli doonaan Ciidamada ka howlgalla Gobolka Bari oo iyana tababar dhawaan loo furi doono.

Taliye Xuseen oo Ciidamada la hadlay ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolka Bari ay yihiin kuwo si wanaagsan ula Shaqeynaya Ciidamada, diyaarna u ah in la sugo amnigooda.

ugu damneeymtii Taliyaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo Ciidamada inay dardar geliyan howlaha sugida Amniga degmooyinka iyo guud ahaan degaannada gobolka Bari.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...