Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab & Daacish fuliyay+(SAWIRRO).

Date:

Ciidamada ย PSF-ta Puntland ayaa howlgal ka fuliyay deegaanka Dolqooxle ee Buuraha Cali Madow oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Bari.

Howlgalka oo dhacay isniintii shalay ayaa yimid ka dib markii ciidanka PST-ta Puntland ay heleen xog sheegeysa in ay Buuraleyda aagaas ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in Ciidamadaย  PSF-ta ay sii wadi doonaan howlgalada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.

Waxayna shacabka Puntland ay ka codsadeen in ay ciidanka ku garab istaagaan ka hortagga cadowga ku howlan gumaadka iyo waxyeeleynta Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...