Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland oo guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ku raacay go’aano ay soo saareen.

Date:

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku raacay in uu dhaqan galo Talooyinkii ay soo jeediyeen guddigii Arrimaha Sicirka Sarifka ee uu Guddoomiyaha u ahaa Madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole.

Qodobada Gudigu soo saareen waxaa ka mid ah

1: In cashuurta Dekadda lagu qabto 20% Shillin Soomaali.

2: In mushaarka shaqaalaha lagu siiyo 20% Shillin Soomaali.

3:In Adeegyada Lacagta mobile-ka (Sahal iyo E-Dahab) sidoodii lagu celiyo.

4: Sariflayaasha waa inay ruqsad haystaan.

5: In cashuuraha Dowladdaha hoose Shillin Soomaali lagu qaado.

6: In Sarifka uu jaangoynayo lana soconayo Bangiga Dowladdu.

7: In Kalsoonida isticmaalka Shillin Soomaaliga ay kawada shaqeynayaan Dowladda iyo Ganacsatada.

8: In Lacagaha ku badan Suuqa ee Shillin Soomaaliga ah lagu xereeyo Bangiga Dowladda, iyo in la mamnuucay lacag Loo kala raro Gobolada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...