Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta booqosho ku tagay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarunta dhexe ee Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka  Dr. Axmed Macalim Xuseen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaraada ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay u muujiyeen la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen....

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...