Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee ka socday Garoowe ayaa tilmaamay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo baahanyahay in la howlgeliyo oo la siiyo fursado hogaamineed, si dalka uu u gaaro horumar dhinac kasta leh.

“Sida aad la socotaan shacabka Soomaaliyeed 70% waa dad da’doodu ay ka yartahay 30 sano, haddii aan rabno in wadankan uu hormaro, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo amni ahaanba waa in dhallinyarada Soomaaliyeed ilgaar ah lagu fiiryaa, lana howlgeliyaa”.  Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha mar uu ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayuu xusay in Xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada looga fadhiyo inay dalkan ka hirgeliyaan Nidaam doorasho.

“Qodobka doorashada, labada Xukuumadood, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadaha dowlad goboleedyada shacabka Soomaaliyeed waxa ay idinka sugayaan doorasho shafaafiyad leh” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Waddada Dimuquraaddiyadda. waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda...

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS,...