Xeer ilaaliyaha Qaranka oo la kulmay dhiggiisa Turkiga+SAWIRRO

Date:

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga mudane Beker Sahin.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaladda dawladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa looga wada hadlay sidii Turkiga iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen xoojinta hay’adaha garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay in hay’adaha cadaaladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageeraan tababarada hawlwadeenada cadaaladda, sida xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha, taas oo Soomaaliya ku caawinaysa ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka cadaalad wax ku ool ah.

“Turkigu waa wehel istiraatiiji ah oo saaxiib la ah dalkeena” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...