Dhismaha waddada u dhexeyso Gaalkacyo iyo Hobyo oo gashay wajiga 3aad+(SAWIRRO).

Date:

Wajiga seddaxaad ee dhameestirka waddada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ayaa waxaa lagu bilaabay si isku tashi ah, waxaana lagu guuleestay 160KM  oo u dhaxeysa magaalooyinka Hobyo iyo Ceel Guula, kaasi oo lagu dhisay mashruuc.

Wajiga seddaxaad ee dhismaha waddadaan la qorsheynayo in lagu dhiso 105 km, oo u dhaxeeysa magaalooyinka Ceel Guula iyo Gaalkacyo sida uu sheegay Dr Cumar Salaad Cilmi oo ka mid ah madaxda guddiga waddada dhismaha ee (GOB)

Dhismaha waddadan ayaa waxaa gacan balaaran ka geystay Haweenka Soomaaliyeed markii la bilaabay ilaa iyo hadda, waxayna wax lagu farxo ku tlmaameen mira dhalka isku tashiga, iyagoo dhanka kalana codsaday in loo istaago sidii looga qeyb qaadan lahaa dhameystiraka inta yar ee dhiman dhismaha waddadaan.

Guddoomiye ku xigeenka gudiga GOB Axmed Urur ayaa sheegay in xiligii guusha ay dhowdahay, loona baahanyahay inaan laga caajisin ka qeyb qaadashada dhameystirka wajiga sedaxaad ee dhismaha waddadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...