Ayax aad u badan oo ku degey dhul beereedka degmada Xuddur+(SAWIRRO).

Date:

Beeraleyda Degmada Xuddur ayaa saaka waaberigii ku kalahay Beeraha oo ku waabaristay Ayaxa farabadan oo shalay galabtii ku soo degay, ย kaa soo dhibaato baโ€™an u geystay dalagyadii kala duwanaa ee ay rajeynayeen beeraleyda inuu u soo goโ€™o bilaha soo socda.

Majirto qaab looga hortagayo ama looga kiciyo Ayaxa dhulka uu ku soo degay, hase ahaatee beeralayda ayaa sameynayey isku dayo ay ku doonayeen inay Ayaxa kaga dulqaadaan beerahooda, kuwaasi oo ay ka mid ahayd in ay durbaan ku garaacaan, dab ku shidaan, ciid ku shubaan oo ku qayliyaan, taasoo waxba looga qaban karin mar hadduu Ayaxu ku dul dego beeraha.

Beeraleyda qaar ayaa dib isaga soo laabtay guryahooda, ka dib markii ay karaja beeleen dalagii beeraha ugu yaalay.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in ย Ayaxa uu saameen baโ€™an ku yeeshay dalagii ka soo goโ€™I laha beeraha.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeereyย  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy Madaxda dowlad gobleedka koonfur galbeed, dowlada Federaalka iyo hayโ€™adaha ku shaqada leh in ay u soo gurmadaan beeralayda gobolka oo sanadkaan intooda badan wixi ay tacbadeen uu latagay Ayaxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12-aad oo maanta ka furmaya dalka

Waxaa maanta si rasmi ah guud ahaan dalka uga...

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...