Barlamaanka Hirshabeelle oo meelmariyay waxka badalka muddo xileedka Barlamaanka iyo xukuumadda+(SAWIRRO).

Date:

Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 10-aad ee baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee jowhar

Kulanka oo uu shir guddoominayey gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cisman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax ka bedalka Mudo Xileedka Hayโ€™addaha Ddastuuriga dowlad Goboleedka Hirshabelle maadama xildhibaanada wax ka badal ku sameeyeen Qodobada 33-Aad iyo 50-aad ee dastuurka dowlad goboledka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada maarlamanka iyo madaxtooyada.

Xoghayaha guud ee golaha ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey qodobada Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya awoodaha Baarlamaanka dowlad Goboledka Hirshabelle

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamanka ayaa Xildhibaanada ayaa faah faahin ka siiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo

Intaas ka dib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo xileedka Hayโ€™addaha dastuuriga dowlad goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Gudoomiyaha baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta,waxaana codeysay 70 xildhibaan iyadoo ayย  ogolaatay 66 xildhibaan,waxaa diiday 3 xubnood halka 1 ruuxne uu ka aamusay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...