UK iyo France oo ku heshiiyay in la furo marinka badda ee u dhaxeeya kadib 48 saac oo uu xirnaa

Date:

UK iyo faransiiska ayaa isku afgartay in la furo xuduuda marinka badda ah ee u dhaxeysa taas oo xirneyd ilaa habeenkii Axada aynu soo dhaafnay.

Xoghayaha gaadiidka UK Grant Shapps ayaa sheegay in arbacada saakay ah ay bilaaban doonaan gaadiidka badda iyo cirka ee u dhaxeeyay Faransiiska iyo Britain .

Grant Shapps ayaa tilmaamay in dadka xuduuda ka talaabaya la baarayo ka hor inta aanay bixin.

2,800 gaari oo kuwa xamuulka ah ayaa ku xaniban gobalka Kent ee UK kuwaas oo sugaya in ay u gudbaan dhanka faransiiska .

Dekada magaalada Dover oo maraakiibta ay ka qaadaan gaadiidka ayaa waxaa iyana buuxa gaadiid iyo maraakiib badan oo xayiraadu qabsatay.

Malatariga iyo shaqaalaha waaxda caafimaadka ee NHS ayaa xarumo karoonaha lagu baaro ka sameysan doona gobalka Kent si ay u fududeeyaan baaritaanka dadka doonaya in biyaha English Chanel talaabaan oo dhanka faransiiska aadaan.

Faransiiska ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 dal oo xayiraad saaray UK kadib markii laga helay nooc karoonaha ka mid ah oo si lixaad leh u faafa.

24- saac ee la soo dhaafay waxaa UK ugu dhintay xanuunka karoonaha 691 waana tiradii ugu badneyd marka loo eego afartii isbuuc ee ugu danbeysay

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...