Raโ€™iisul Wasaare Rooble โ€œWaa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada Guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo, Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaaโ€.

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay caleema saarkaย  Guddoomiyahaย  cusub ee degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasanย ย  ayaa tallaabo horey loo qaaday ku tilmaamay in bulshada loo dhaweeyo maamulka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Duqa cusub ee degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasanย  in Alle u fududeeyo masโ€™uuliyadda culus ee loo doortay. Isagoo tilmaamay in Xukuumaddu ay dhiirrigalineysoย  degmooyinka dalka oo dhan in ay doortaan maamulkooda.

Eng. Rooble ayaa ku dhiirigeliyey Odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug in ay sii dardargeliyaan dadaalladooda ku addan nabadda iyo dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah, unaย ย  midoobaan la dagaallanka argagixisada iyo in ay isu kaashadaan sidii loo cirib tiri lahaa.

โ€œWaa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday doorashada guddoomiyaha cusub ee Gaalkacyo. Xukuumadeyduna way dhiirrigalineysaaย  wayna taageereysaa iyo degmooyinka dalka oo dhami doortaan maamulkooda, oo ay lana xisaabtamaan. Taniย  waxay tusaale u tahay daadajinta maamulka iyo in dadku iyagu doortaan cidda ay doonayaanโ€.

Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo dhowaan la dhisay ayaa markii ugu horreysay doortay Duqa magaalada oo ku yimid rabitaanka bulshada, tanoo qeyb ka ah barnaamijka maamul daadajinta ee shacabka loogu dhaweynayo dowladnimada.

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo socdaal shaqo ku marayay deegaannada Puntland iyo Galmudug muddo 11 casho ah ayaa soo gabagabeeyey, waxuna uga mahadceliyey soo dhaweyntii diirranayd ee uu kala kulmay deegaannadii uu socdaalka ku marayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale