Weerar gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday safaarada Mareykanka ee Ciraaq

Date:

Weerar gantaalo ah ayaa lagu qaaday safaarada mareykanka ee ku taala magaalada Baqdad ee xarunta dalka Ciraaq.

Warbixin ay soo saareen ciidanka ciraaq ayaa lagu sheegay in sideed gantaal lagu riday safaarada oo ku taala aaga cagaaran ee sida aadka ah loo ilaaliyo .

Safaarada mareykanka ee ciraaq ayaa xaqiijisay iyaduna weerarka waxay sheegtay in la howl galiyay hanaanka difaaca ee gantaalada hawada ku burburiya kaas oo safaarada ku yaal.

Majiraan wax qasaaro ah marka laga reebo bubur yar oo gaaray qeybo ka mid ah dhismaha sida safaaradu sheegtay.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo bisha soo socota iraaniyiinta iyo qolyaha la jaalka ah ee ciraaq ku sugan ay xusayaan sanad guurada koowaad ee dilka sarkaalkii reer Iran Qassem Soleimani kaas oo 3 Janaayo ee sanadkan lagu dilay Ciraaq

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...