Dhalinyaro araga naafo ka ah oo qalab soo saartay+(SAWIRRO).

Date:

Dhalinyarada araga naafada ka ah ee wax ka barta  jaamacadaha magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xafiis wax loogu qabanayo  baahiyaha haysta dhalinyarada arag  la’aanta ah  iyo qalab loogu tala galay in uu u fududeeyo  dhalinyaradaasi baahiyaha gaarka qaba waxbarashada ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho

Dhalinyaradan oo si iskood ah isu xilqaamay ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan horumarinta iyo dhiira galinta dadka araga naafada ka ah ee iyo sidii ay ugu maarmi lahaayeen dawirsiga ayna u heli lahaayeen  Shaqooyinka ay helaan dhalinyada kale ee asaagooda ah wxa ayna ka codsadeen ganacsatada iyo dowladda federaalka Soomaaliya in la caawiyo .

Qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa  usoo jeediyay dadka araga naafada ka ah ee ku jira guryaha in la geeyo goobaha waxbarashada

Gudoomiyaha Uruka dhalinyarada araga naafada Soomalaiyeed Ibrahim Maxamed Cali ayaa ka warbixiyay baahiyaha ay qabaan dadka arag la,aanta ah.

Agaasimaha waaxda naafada maamulka Gobolka Banaadir Axmed  Xasan Warsame  ayaa sheegay in waaxda naafada Gobolka Banaadir ay wado dadaalo lagu hormarinayo naafada Soomalaiyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...