Qarax bam gacmeed oo khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay Adis Ababa.

Date:

Ilaa sadex qof ayaa ku dhimatay, halka shan kale ku dhaawcmeen qarax ka dhacay badhtamaha Addis Ababa, sida lagu faafiyay wakalada wararka ee ENA, Bam lagaga tagay goob kamid ah aagga Lideta ayaa qaraxa sababay.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ahaayeen dad dan-yar ah oo darbi jiif ah

Ciidamada amaanka ayaa bilaabay baarista qaraxa oo cidna ayna masuuliyadiisa sheegan.

Ciidamada amaanka ayaa horay u sheegay in la qabtay hub iyo waxyaabaha qarxa intii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa TPLF laakiin lama hubo in qaraxa maanta dhacay la xiriiro gulufkii gobolka Tigreega.

Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan sababta qaraxa ka dambeesay .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...