Ra’iisul wasaare ku” xigeen Mahdi “Waxaan u diyaar u nahay doorasho”.

Date:

Ra’iisul wasaare ku xigeen Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi ee (Somaliland) oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa taageerada guddiyada doorashada ay xukuumaddu magacowday

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada waqooyi ee ku dhaqan Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro, Salaadiin, Siyaasiyiin, Musharaxiin, Haween iyo Dhalinyaro, dhammaantoodna si wadajir ah ayay u cadeeyeen mowqifkooda Doorashooyinka Soomaaliya iyo sida ay u taageersan yihiin guddiyada doorashada.

Mudane Mahdi Maxamed Guulleed ayaa carabka ku adkeeyay in  dalka uu aadaayo doorasho xiligeeda ku dhacda laguna kala nabad galo.

“Waxaanu diyaar u nahay doorasho, waxaan diyaar u nahay in doorasho loo dareero oo aan is doorano, laguna kala nabad galo.  Muran kasta oo yimaada wuxuu dib u dhigayaa doorashada,  Taa macnaheedu ma waxa ay tahay doorasho diyaar uma ahiye dib ha la iigu dhigo, Doorashada wakhtigeeda ayaan ku qabaneynaa, Hadii ay tabasho jirto diyaar baa loo yahay in lagu dhageysto”

Dhinaca kale shirka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya sida Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga iyo Xildhibaanada labada aqal ee Dowladda ku matala Gobolada Waqooyi.

Dhammaan xubnihii ka qeyb galay shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka gobolada waqooyi (Somaliland) ayaa isku raacay in dalka uu doorasho aadayo iyaguna ay si buuxda u taageersan yihiin guddiyadii dooorashooyinka ay xukuumadu magacowday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...