Shir weynaha qaran ee shaqaaleysiinta dhallinyarada soomaaliyeed oo ay soo qabanqaabisay wasaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa maanta ka furmay magaalada muqdisho+(SAWIRRO).

Date:

Ujeedada shirkaan ayaa ahayd sidii loo shaqyleysiin lahaa dhalinyada isla markaana dib loogu soo celin lahaa dugsiyadii farsamada gacanta si loo helo dhalinyaro ka shaqeeya shaqooyinka farsamada,waxaana ka soo qaybgalay wasaaradaha shaqada iyo arimaha bulshada,qorshaeynta qaran iyo maalgashiga,shiradaha ganacsiga,Bulshada rayidka, xiriirka ururada shaqaalaha soomaaliyeed FESTU,maamal goboleedyada iyo hay’ado caalami ah iyadoo ay soo ay soo qabanqaabisay wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada waxaana gacan ka geystay hay’ada save the children.

Qaar ka mida ah shirkadaha ganacsiga ayaa balanqadey iney sii kordhin doonaan shaqasiinta dhalinyada.

Xoghaha guud ee xiriirka ururada shaqaalaha soomaliyeed cumar faaruuq cusmaan ayaa ugu baqay dawladda iyo ganacsatadaba ay abuuraan suuq shaqo si loo yareeyo shaqo la,aanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Cabdullahi Maxamed Cali ayaa sheegay in shirkaan uu wax ka bedeli doono shaqo la,aanta ka jirta dalka-cod2aad.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaya in qorshaha qaranka ee 20202-2025ka ay ka mid tahay in Dhalinyadda loo aruuro shaqooyin.

Wasaiirka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax oo furay Shirka ayaa sheegay in guud dalka laga abuuri doono shaqooyin iyo suuqa shaqada.

Shirkaan ayaa mudada uu socda ayaa waxaa looga doodi doonaa sidii ay Dawladda iyo Shirkadaha gaar ah ay isaga kaashan doonaan sidii shaqo loo siin lahaa dhainyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee...