Maalinka caalamiga ee dadka baahida gaarka qaba ama naafada ah oo aduunka laga xusayo.

Date:

3 December waa maalinka caalamiga ah ee loo aqoonsaday in ay leeyihiin dadka naafada ah waxaana qaramada midoobe u asteysay maalinkan in lagu baraarugo arintaasi oo la siiyo taageerada ay u baahanyihiin dadka lixaadka dhantaalan.

Sanadkan 2020 waxaa hal ku dhig looga dhigay xuskaan maafanimada dhamaanteed ma ahan wax muuqda .

Sida ay sheegtay heyada caafimaadka aduunka ee WHO 15 % dadka aduunka waxa ay la noolyihiin baahiyaha gaarka ama lixaadka aan dhameystirneyn.

Arintan ayaa ka dhigan in dad ka badan hal bilyan oo qof ay qabaan nooc naafada ka mid ah guud ahaan aduunka.

450 malyuun oo dadkaasi ka mid ah waxaa la sheegay in ay qabaan xanuunada dhimirka .

Sida warbixinta lagu sheegay 69 malyuun oo qof ayaa waxaa sanad kasta ku dhaca xanuun ka dhashay jug ama dhaawaca maskaxda ka gaaray kaas oo qofka qal qal galiya.

Xanuunka covid-19 ayaa sii murjiyay xaalada dadka baahiyaha gaarka qaba.

Sahan ay WHO ka qaaday 130 dal ayaa lagu sheegay in ay kordheen dadka xanuunada qalqalka maskaxda qaba sanadkan 2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...