Wafdi Xildhibaano ah oo ka socday Baarlamaanka Puntland oo Dalka Zambia kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Xubnahan ka socday Golaha wakiilada Puntland oo uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Xil, Cawil Xassan Daad ayaa Xarunta Golaha Qaranka ee dalka Zambia ( National Assembly of Zambia) kulan kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia Hon. Dr Patrick Matibini iyo Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Dr. Howard Kunda.

Baarlamaannada Puntland iyo Zambia ayaa ka wada hadlay xiriirka labada Baarlamaan, sidoo kalena, halkaas waxaa la isku dhaafsaday, dood cilmiyeed ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyada Guddiyada maaliyadda, Xisaabaadka, Hantidhawrka & wada-shaqeynta Xeer-ilaalinta iyo Hay’adaha amniga.

Weftiga ka socda Golaha Wakiillada DPL ayaa u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Zambia salaan ay uga sidaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Hanti-dhawrka Guud Mudane Cabdirisaaq Cumar Madoobe, khabiiro dhinaca Qaanuunka Iyo Xisaabaadka, la taliyayaal sar-sare, madax ka socta Barnaamijka maareynta Xisaabaadka Dawladda ee loo yaqaan ( Public financial management – PFM ) Iyo Hawl-wadeeno ka tirsan labada Baarlamaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo hawlgal qorshaysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo...

Xukunka Askari: Maxaad iisoo Fiirisay Darteed ayuu u dilay Muwaadin Muruqmaal ahaa

Dable Booliis Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha wado cusub

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhagax dhigay Ceelal biyood laga hirgelinayo Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...