Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Qaabiley Wefdiga Wasiirka Haweenka+(SAWIRRO).

Date:

Wefdiga wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee xukuumadda Soomaaliya, Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa la kulmay madaxweyne ku xigeenka Puntland, mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayagoo ka wada hadlay ilaalinta qoonddada dumar ee 30%.

Wasiir Xaniifa ayaa uga warantay u jeedka socdaalkooda Puntland, iyadoo carabka ku adkeysay ahmiyadda ay leedahay in haweenku helaan saamiga ay ku leeyihiin siyaasadda dalka, madaxda Puntland ayayna ka codsatay in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%.

Madaxweyne ku xigeenka, Puntland ayaa dhankiisa soo dhoweeyay dadaalka wasaaradda Haweenka ugu jirto ilaalinta qooddada dumar ee siyaasadda, isagoo balan qaaday in ay u istaagi doonaan arrintaas.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aaadanaha, ayaa u istaagtay ilaalinta qoonddada haweenka ee 30% maadaama lagu jiro xilli doorasho, dhammaan dowlad goboleedyada ayayna madaxda wasaaradda socdaal ku kala bixiyeen sidii arrintan ugala hadli lahaayeen madaxda maamulada.

Wasiirka Haweenka waxay horey socdaal kan oo kale ah ku tagtay magaalada Baydhabo, iyadoo madaxda maamulka Koofur Galbeed kala hadashay xaqiijinta 30% ee haweenku ku leeyihiin siyaasadda dalka gaar ahaan golliyaasha dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...