Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeeda Kenya, danjiraha Kenyana ku wargalisay inuu dalkiisa ku laabto.

Date:

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda FS mudane Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Dawladda FS ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda Qaran, ka dib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland.

Dawladda FS waxay Kenya u eedeysay inay madaxweynaha Jubbaland ku cadaadinayso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya, islamarkaana ka hor imaanaysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dawladaha dariska ah.

Ugu dambayn xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda danjire Maxamed Cali Nuur ayaa xusay in dawladda FS aysan marnaba aqbali doonin fal waliba oo qaranimadeeda iyo amnigeeda dhaawacaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...