Dhagar-qabe Ilkacase iyo rag ka tirsan shabkadiisi oo xukun dil ah lagu fuliyay.

Date:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay dhagar qabe Maxamed Xaaji “Ilkacase” iyo rag ka tirsanaa shabkadiisa, kuwaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed.

Dhagarqabayaashan oo ahaa kuwii ugu halista badnaa argagixisada Al-shabaab ee dilal ka geysta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga Booliska ee general Kaahiye.

Janaraal Cabdullaahi Buulle kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo fulinta xukunka kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhagarqabayaashaan oo dilay dad badan oo ay kamid ahaayeen, marxuum Cumar Maxamed Abiikar 10-08-2016, sareeye guuto Ismaaciil Axmed Ismaaciil(Makayaalo) 28-10-2016, iyo marxuum Cabdulqaadir Daahir Diiriye 16-01-2018, lagu fuliyay dilka maanta oo taariikhdu tahay 29-11-2020.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

17-Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyootay Badda u dhaxeyso Aljeria iyo Spain

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...