Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka kaltankiisii 47aad ee ka furmay Niame+(SAWIRRO).

Date:

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.

Shirka oo loogu talogalay inuu socdo maalmaha 27 iyo 28 bishan November ayaa halkudhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda argagixisada iyo xag-jirnimada fog si loo gaaro himilooyin horumarineed.

Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabada iyo amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaalada ay ku dooneyso in wadamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar.

Wasiiru dowluhu waxa uu ka qeybgalayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu kulamo docoleed la xiriiray xiriirka labo geesoodka iyo wax wada qabsiga uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan, Mudane Shah Mahmood Qureshi, Wasiiradda ugu xil-saaran Arrimaha Jaaliyadaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Morooko, Marwo Nezha El Ouafi, Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr. Yousef Al-Othaimeen, iyo Madaxda wufuudda dowlado aanu walaalo iyo saaxiibo nahay oo ay ku jirtay Dowladda Qatar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...