Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xarunta gobalka Tigray ee Mekelle.

Date:

Saraakiisha Ciidamada itoobiya ayaa sheegay in dhowr jiho ay guluf xoog leh uga qaadeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray.

Jeneraal Hassan Ibrahim ayaa wakaaladda warar Itoobiya u sheegay in ciidanka gacanta ku dhigeen magaalada Wukro oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Mekelle . Dhanka kale  in ciidanka ka duulay dhanka Adwa ay qabsadeen magaalooyinka  Hawzen, Abraha Weatsbeha ilaa Wukro .

Dhinaca Adigrat ayaa waxaa uu sheegay in ciidankii ka duulay ay qabsadeen magaalooyinka Senkata iyo Al-Najashi.

Aaga Raya ayaa jeneraalku tilmaamay in ciidankii ka duulay ay hantiyeen magaalooyinka Adikeyeh  iyo Hewane.

Jeneraal Hassan Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay hada ku socdaan aaga buurta Mesobo oo ah meesha kaliya ee ka xigta Mekelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...