Hanti dhawraha Qaranka oo daah furay shir Fogaan arag ah oo ay ka qeyb galayeen Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada+(SAWIRRO).

Date:

Hantidhawraha Guud ee JFS Mudane Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta furay Shir sannadeedka Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo Xafiisyada Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada 2020.

Shirka oo ay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada uga qaybqaateen qaabka muuqaal-aragga ah ayaa waxaa la isku waydaarsaday khibrado iyo casharro la xiriiray nuucyada kala duwan ee baarista ee lagu sameeyo hay’daha kala duwan ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed.

Hantidhawraha Guud ayaa dhiniciisa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay isagoo uga mahadceliyay Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada wada-shaqayntooda dhaw ee ay la leeyihiin XHG isla markaasna ballanqaaday in “Qorshaha Istiraatiijiyadda XHG ee 2020-2022 lagu dari doono qodobbo gaar ah oo ka jawaabaya baahiyaha xafiisyadaas isla markaana xoojinaya iskaashigii horay u jiray”.

Sidoo kale, Xafiisyada Hantidhawrada Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa soo bandhigay soojeedinno ku saabsan guulihii ay xafiisyadoodu ku tallaabsadeen, caqabadaha kala duwan ee ku hor gudban iyo dhinacyada ay mustaqbalka dalbanayaan in lagala shaqeeyo.

Hantidhawraha Guud ayaa shirka soo xiray isagoo adkeeyay in si dhab ah loo taabbagalin doono qodobbadii la soo jeediyay intii uu kulanku socday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...