Ra’iisul wasaare Rooble oo xaflad sagootin ah loogu qabtay Baydhabo+(SAWIRRO).

Date:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay xaflad isugu jirtay casho sharaf iyo sagootin oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed.

Xafladda oo madaxweynaha Koofur galbeed mudane, C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen uu u qabtay ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa aheyd mid lagu maamuusayay waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan KGS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxda Koofur galbeed iyo shacabkooda uga mahadceliyay sida ay u maamuuseen isaga iyo wafdigiisa muddadi ay joogeen magaalada Baydhabo.

Ra’iisul wasaare Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa dhagax dhigay goobo muhiim u ah bulshada isagoo kulamo kala duwana la qaatay bulshada magaalada Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Baydhabo ka daah-furay doorashooyinka isku sidkan ee Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...

Shacabka Koonfur Galbeed oo saakay u dareeray doorashooyinka qof iyo codka ah

Degaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa si rasmi ah...

Diyaar garowga doorashooyinka qof iyo cod ee gobolka Bakool

Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed ayaa saaka u dareeray goobaha...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo wargelin iyo digniin amni soo saaray

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliiska Gobolka Banaadir ayaa...