Ciidamo badan oo ka tirsan TPLFoo isu dhiibay ciidanka dowladda Itoobiya

Date:

Golaha xaaladda deg dega dowladda Itoobiya u xilsaartay howlgalka ka socda Gobalka Tigreega ayaa sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan TPLF ay isa soodhiibeen.

War qoraal ah oo golaha ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ciidankan oo ka faa’iidasanaya baaqii dowladda ee ahaa in ay isudhibaan 72-saac, ay isu soo dhiibeen ciidanka dowladda.

Gobalka Cafarta oo dhanka bari Tigreega xuduud kala leh ayaa la sheegay in ciidamo badan oo ka tirsan kuwa gaarka ah ee TPLF ay iska soo dhiibeen.

Dhinac Koonfureed waxaa gobalka Tigreega ka xiga Ismaamulka Amxaarada, waana meelaha ay ciidanka dowladda duulaankii ugu horeeyay ka soo qaadeen .

Dhinaca waqooyiga waxaa ka xiga dalka Eritrea waxaana sidoo kale duulaan ka soo qaado dhanka waqooyi ciidanka dowlada Itoobiya oo qabsaday magaalooyinka waqooyiga ku yaalo.

Dhinaca galbeed waxaa ka xiga dalka Suudaan halkaas oo dad badan oo colaadda ka cararaya ay u baxsadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday Dekadda caalamiga ah ee Tanger.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- President Hassan Sheikh Mohamud opened the 3rd Congress...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirweynaha 3-aad...

Madaxweynaha JFS oo casho sharaf u sameeyay Culimada Soomaaliyeed ee ka qeybgalay Shirweynaha 3-aad.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...