Maamulka Punland oo ka tacsiyadeysay geeridii ku timid General khaliif Ciise Mudan.

Date:

ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan dowlad goboleedka punland iyo kan shacabka ayaa ka tacsiyeeyey geerida alle ha u naxariistee gen. khaliif ciise mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka turkiga.

Alle ha u naxariistee khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka dowliga ah, waxa uu soo noqday taliyaha ciidamada cirka soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii puntland, waxa uu kasoo noqday puntland wasiirka wasaaradda amniga iyo ddr-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne ku-xigeenka puntland  Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum gen. khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxa uu alle swc uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo jannatul fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda soomaaliyeed iyo shacabka puntlandba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...