Hay’adda FAO oo Degniino hor leh ka soo saartay Xaalada Duufaanta GATI ee Gobolada Bari iyo Waqooyi Soomaaliya.

Date:

Heyada FAO ee qaramada midoobe ayaa uga digtay kaluumeysatada Puntland iyo Somaliland in aanay badda galin 24 saac ee socota.

FAO waxaa sheegtay in saameynta duufaanta GATI oo shalay galinkii danbe gaartay xeebaha soomaaliya ay sababtay in mowjadaha badda ay kacaan oo aan wali la isku haleyn karin xaalada badda.

Duufaanta oo ay la socdeen roobab xoog leh ayaa 12 saac ee la soo dhaafay ku dhufutay xeebaha waqooyi bari ee soomaaliya.

Duufaanta oo xawaaraheedu iminka yaraaday ayaa FAO sheegtay in u gudubtay dhanka waqooyi galbeed.

FAO waxaa kaloo ay saadaalineysaa roobab xoog leh oo maalmaha soo socda ku hoora Puntland iyo Somaliland.

Duufaanta GATI ayaa saameysay qeybo badan ka mid ah gobolada Bari iyo Sanaag waxayna geysatay qasaare naf iyo maal leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...