Guddomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeellaha hoose oo xilka la wareegay+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, kadib munaasabad ka dhacday Dagmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in maamulkiisa ku guuleestay wax ka qabashada  adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka.

“Gobolka Shabellaha hoose oo aan soo xukumayay 20-kii billood ee la soo dhaafay waxaan gaarnay guulo waa weyn innagoo xaqiijinay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshadda sida tababbarida maamulada,Daadajinta nidaamka dowliga ah,qodista kannaalo ay ku diirsadeen bulshadda, xureynta deegaanno iyo degmooyin,hirgelinta in maamulka gobolka uu yeesho xafiis uu si buuxdo ugu shaqeeyo, hirgelinta leerarka ku shaqeeya Cadceeda, furista waddooyin xirnaa, Dhismaha xarumaha ay ku shaqeenayaan maamulada Degmooyinka,Saldhigyada Booliska,MCH-yo iyo la dagaalanka Al shabaab oo dhibaata ku haya shacabka”ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Guddoomiyihii hore ee gobolka shabeellaha hoose Ibraahin Aadan Cali ayaa dowladda federaalka,Maamulka Koofurgalbeed iyo hay’addaha caalamka uga mahadceliyay taageeradii ay siiyeen muddadii uu xafiiska joogay.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka shabeelaha Hoose Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in uu dar-dar gelin doono shaqooyinka horyaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha...