Xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka November oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Date:

Munaasabadda xuska 46 sano guuradii kasoo wareegtay maalinta macalinka soomaaliyeed ee 21 Novembar ayaa maanta waxaa magaalada Gaalkacyo uga qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug, maamulka dagmada Gaalkacyo, macalimiinta wax ka dhiga qaar ka mida  dugsiyada hoose dhaxe iyo sare ee magaalada iyo waalidiin.

Munaasabadda oo ay soo agaasintay wasaaradda waxbarashada Galmudug ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay macalin  Abshir Maxamed Cali oo kamid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Galmudug isagoo tilmaamay in ay u taaganyihiin kobcinta garaadka iyo aqoonta ardayda ku nool deegaannada Galmudug.

Ku xigeenka duqa dagmada Gaalkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa ka mahad celiyay qabashada munaasabadda xuska maalinta macalinka soomaaliyeed, isagoo dhanka kalana xusay in dagmadu ay la shaqeyn doonto bahda waxbarashada.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Galmudug Shariif Maxamed Khaliif ayaa sheegay in wasaaradda waxbarshada Galmudug ay xoogga saari doonto ka warheynta macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla deegaannada Galmudug iyo maamuuska ay mudanyihiin.

Munaasabado lagu weyneynayo maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka November ayaa ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka,waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Khadiija oo kormeer ku tagtay xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija...

Gaashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare,...

Golaha Shacabka BJFS oo maanta dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Madaxa Islamic Relief Somalia 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallim...