Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya oo la kulmay Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo+(SAWIRRO).

Date:

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka Arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa gaaray dalka Congo DR halkaas oo uu kula kulmay madaxda dalkaasi

Demeke Mekonnen ayaa qasriga Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha DRC Félix Tshisekedi oo uu guddoonsiiyay fariin uu ka siday Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Demeke wuxuu sheegay in howlgalka ka soconaya waqooyiga Itoobiya uu yahay soo celinta sharciga iyo kala danbeynta dalka u degsan.

Wuxuu tilmaamay in dowladda uu ka dhamaaday xamilkii ama dulqaadkii kaddib markii 4-tii November PLF ay weerareen Taliska waqooyi ee ciidanka Itoobiya kaas oo ku yaala Gobalka Tigreega.

Mr Demeke Mekonnen waxaa kaloo uu sheegay in dhawaan la soo afjari doono howlgalka ka dhanka ah Ismaamulka Tigreega.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Itoobiya ay taageero kaga raadsaneyso wadamada Afrika, iyadoo ay soo baxayaan baaqyo badan oo caalami ah, kuwaas oo ah in wada hadal lagu xaliyo dagaalka Itoobiya .

Demeke Mekonnen ayaa horay booaday wadamada Kenya, Rwanda iyo Uganda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....