Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qeyb-galay dood lagu dhiirigalinayay Ganacsatada yaryar+SAWIRRO).

Date:

Kulan dood cilmiyeed looga hadlay sidii loo heli lahaa jawi iyo xaalad ay Ganacsiyada bilowga ah (start-ups), kuwa yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs) ku dhex shaqeeyaan ayna ka soo qeyb-galeen khubaro ganacsi, ganacsiyada bilowga ah (Start-ups), ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs), bankiyada, shirkadaha Ganacsi ee waaweyn, dhallinyarada, bahda waxbarashada, xubno sarsare oo ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo dhammaan ururada Bulshada rayidka ah ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa soo agaasimay machadka hal-abuurka, tiknoolojiyada iyo Ganacsiga (IITE) ee Jaamacadda SIMAD.

Kulanka oo ay khudbado ka jeediyeen madaxda bankiyada dalka, wasiirka Ganacsiga iyo madaxweynaha Jaamacadda SIMAD sidoo kalena lahaa dood ay ka qeyb-qaateen qaar ka tirsan ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa lagu iftiimiyey qodobo farabadan;

Dood cilmiyeedka kulankaan qeybta ka ahaa ayaa lagu dhex tilmaamay qodobo muhiim ah oo kala sheegeen ka qeyb-galayaasha kulanka.

Waxaa sidoo kale kulanka khudbado muhiim ah ka jeediyey madaxa iyo wasiiro ka kala socda shirkadda, ganacsiyada iyo dawladda Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa sheegay wasaaraddu ay dhiirigalineyso ganacsiyadda bilaawga iyo kuwa dhexe waxaana uu sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in dalka hormarkiisa laga shaqeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...