Ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa saakay u magacaabay madaxa ismaamulka tigreega Mulu Nega.

Date:

Qoraal ka soo baxay xafiiska Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in Mulu Nega loo magacaabay hogaanka gobalka tigreega ee colaadu ka socoto islamarkaana looga fadhiyo in uu soo xusho xubnaha maamulka ee la shaqeynaya

Go,aanka ayaa waxaa lagu gaaray kulan ay yeesheen golaha wasiirada sida qoraalka lagu sheegay.

Aqalka sare baarlamaanka itoobiya ee loo yaqaan house of federation ayaa horay u go,aamiyay in maamul ku meel gaar ah loo dhiso gobalka tigreega kadib markii dowladu ku soo rogtay xaalad deg deg ah.

Sidoo kale waxa ay arintan imaaneysaa maalin kadib markii baarlamaanka itoobiya uu xasaanadii ka qaaday 39 xubnood oo maamulka tigreega ah kuwaas oo uu ku jiro madaxweyna hada ee ismaamulka tigreega.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...