Wasiirka haweenka XFS ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay+(SAWIRRO).

Date:

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mr.’s Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) ayaa maanta safarkeedii ugu horeeyay tan iyo markii xilka loo magacaabay ku tagtay magaalada Baydhabo.

Wafdiga Wasiirada ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, si weyn ugu soo dhoweeyay Wasiiro xildhibaano iyo qeybaha bulshada ee Maamulka Konfur Galbeed.

U jeedka socdaalka wafdiga ayaa ah u ololeynta xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka iyo xaqiijinta kuraasta dumarka ee golayaasha dowladda gaar ahaan labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Wasiirka haweenka Koofur Galbeed, oo hor kacaysa soo dhoweynta wafdiga wasiirka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay soo dhoweynta wasiirka haweenka Soomaaliya.

Soo dhoweynta ka dib, wasiir Xaniifa, oo warfidiyeenka kula hadashay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha ee Shaata gaduud ee magaalada Baydhabo ayaa u mahad celisay dadkii soo dhoweeyay, waxayna sheegtay in ay ku faraxsan tahay maanta in ay Baydhabo noqoto meeshii ugu horeysay oo ay timaado tan iyo markii xilka loo magacaabay.

“Ololeynta kuraasta haweenka, maadama wadanka uu galay xilli doorasho, halbeega xukuumadda aan ka tirsanahay ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay tahay xaqiijinta kuraasta haweenka, Insha’Allah dhowr maalin ayaa joogi doona, waxaana la kumayaa qeybaha bulshada” ayay tiri wasiir Xaniifa.

Soo dhoweynta wefdiga wasiirka waxaa ka qeybgalay, wasiiro, xildhibaano, maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekedaha XFS oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka Sucuudiga

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka qeyb-galay shir looga hadlaayo dib-u-habaynta Garsoorka dalka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo saaka Dalka ku soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa...