Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo lagu wado in ay goordhow ka billaabato Magaalada Jowhar.

Date:

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doraashada madaxweynaha iyo ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxa ay ka socotaa magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay waxaana ku sugan dad kala duwan gaar ahaan, siyaasiyiin,odoyaasha dhaqanka iyo musharaxiinta u tartameysa xafiisyada ugu sareeya Hirshabeelle.

Xilka madaxweynaha waxaa u tartamaya illaa iyo labo musharax oo kala ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka waxaa sidoo kale u tartamaya Musharax Yuusuf Axmed Hagar iyo Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere)

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa inay ka bilaabato magaalada jowhar gaar ahaan hoolka doorasha madaxda hirshabeelle.

Shalay ayey musharaxiinta u tartameyso jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle khudbadahooda ka horjeediyeen xildhibaannada Hirshabeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...