Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug+(SAWIRRO).

Date:

Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Mudane Ludfi Shariif Maxamed ayaa Magaalada Dhusamareb uga Qaybgalay Kulanka soo Aruurinta Aragtida Bulshada Galmudug ee ku aadan Qodobada Dastuurka ee Dib-u-eegista lagu sameeyey.

Munaasabada ayaa waxaa Goob joog waxaa ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid, Wasaarada Dastuurka Galmudug, Maamulka Caasimada Galmudug iyo Bulshada Magaalada.

Ugu horayn waxaa furitaanka ka hadlay Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Magaalada Dhusamareb Cabdi Xaashi Caroole waxaa uuna xusay inuu soo dhowaynayo Qobadan Bulshada loo soo bandhigay.

Wasiirka Wasaarada Dastuurka Galmudug Daa’uud Maxamed Maalin ayaa ka Hadlay Madashan waxa uuna xusay in Galmudug Talo ku yeelanayso Qabyatirka Dastuurka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid ayaa waxa uu sharaxaad ka bixiyey Socdaalkooda ay Halkan ku yimaadeen iyo Kulamadan lagu soo bandhiga Qodobada laga dooday.

Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Dastuurka Soomaaliya Ludfi Shariif Maxamed ayaa ka hadlay kulanka waxa uuna xusay Ahmiyada Howshani leedahay.

kulamo looga hadlayo Arimaha Dib-u-eegista Dastuurka ayaa horay loogu qabatay Deegaanada Galmudug Bulshada ayaana Aragtidooda ku darsaday si loo dhamaystiro Qabyatirka Dastuurka Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...