Taliye Xijaar oo kormeeray saldhigyada Booliiska magaalada Dhuusamareeb.

Date:

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigayada iyo baraha koontaroolada ciidamada Booliiska ah ay ka howlgalaan ee magaalada Dhusamareb goobahaasi ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada oo waajibaadkooda gudanaya.

Taliyaha ayaa Warbixin ka dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Booliiska waxa ayna xuseen in ciidamadu mar walba Heegan ugu jiraan Sugidda Amniga caasimada Galmudug iyo Hareeriheeda.Shalay ayaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya wuxuu gaaray magaalada Dhusamareb wuxuuna kulammo Mira-dhal ah la qaatay saraakiisha Milarariga ciidamada Booliiska ah iyo madaxda dowlad goboleeyada Galmudug, ammaanka magaalada ayaana aad loo adkeeyey maadaama dhowaan ka bilaaban doonaan doorashooyinka xubnaha Galmudug ku yeelan doonto labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...